Cunnooyinka Xagaaga ee Bilaashka ah

Cunto bilaash ah oo caruurta iyo dhalinyarta dhawr iyo toban jirada loogu talo geley ayaa xaafada laga helayaa xagaagan. Barnaamijyada Cuntada Xagaaga ee Bilaashka ah waxaa lagu bixiyaa meelaha ay degan yihiin, wax ku bartaan oo ku ciyaaraan qoyskaagu-waxaa kamid ah dugsiyada, beeraha nasashada, xarumaha bulshada iyo hay’ado diimeedka.

Barnaamijyada Cuntada Xagaaga Bilaashka ah waxaa ay u furan yihiin dhamaan qoysaska oo lama waydiiyo wax waraaqo ah-caruurtu way iska iman karaan oo way iska qaadan karaan. Goobo badan sidoo kale waxay bixiyaan hawlo madadaalo oo keena inay caruurtu firfircoonaadaan oo ay mashquulaan wakhtiga dugsigu xidhan yahay.

Ka hel goobta Cuntooyinka Xagaaga Bilaashka ee ugu dhaw hoos oo waxa aad barataa sida khayraadka cuntada ee kale looga heli karo bulshadaada xagaagan.


Iminka Hel Cunto


Cuntooyinka Caruurta

Cuntooyinka Bilaashka ah ee Xagaaga waxaa ka heli kara caruurta iyo dhawr iyo toban jirada beeraha nasashada, xarumaha bulshada, dugsiyada iyo hay’ado diimeedka bulshadaada.  Dhawr shay oo muhiim ah oo ay tahay in laga ogaado Cuntooyinka Xagaaga ee Bilaashka ah sanadkan:

  • Barnaamijka Cuntooyinka Bilaashka ah ee caruurta iyo dhawr iyo toban jirada loogu talo galay 18 jirka ah iyo ka yar-laakiin goobo badan waxay bixiyaan khayraad dheeraad ah oo loogu talo geley xubnaha qoysaska ee waawayn.
  • Looma baahna kharash, is duwaan gelin, ama cadayn aqoonsi ama xaalada sharci si loo helo cuntada xagaaga.
  • Shuruucda barnamijka federalku way is badaleen. Sanadkan, caruurta iyo dhawr iyo toban jirada waa in la keenaa si loo qaato cuntada oo cuntada waa in meesha lagu cunaa. Waalidka iyo koriyayaashu iminka uma qaadi karaan caruurtooda.

Geli cinwaankaaga khariirada hoose si aad u hesho goobo cunto oo kugu dhaw ama fariinta FOOD u dir 304-304: