Hel Caawimaada Canshuurta Bilaashka ah

Caawimaada canshuurta oo badqab, amaan leh, fudud oo bilaash ah.

Kaydso cadad badan oo mushaarkaaga ah oo hel caawimaad bilaash ah oo ku aadan buuxinta canshuurahaaga 2020.

Laga bilaabo Janaayo 20–abriil. 18, 2021, khubarada tababarka leh oo shahaado ka haysta Internal Revenue Authority (Maamulka Dakhliga Gudaha, IRS) ayaa diyaar u ahaan doona inay ku siiyaan caawimaad badqab leh, amaan ah oo 100% oonleen ah oo ku aadan buuxinta foomamkaaga canshuuraha. Khubaradeenu waxay yaqaanaan dhamaan sharciyada canshuuraha ee cusub iyo canshuur dhaafka aad heli karto, ayna ku jiraan kuwa ku jira sharciga cusub ee gurmadka, si ay heerka ugu sareeya u gaarsiiyaan canshuur celintaada aadna ku ilaashato cadad badan oo lacagtaada kamid ah. Waxaan sidoo kale kaa caawin karnaa sheegashada lacagta jeega kaalmada ah.

Caawimaada canshuurta oo bilaash ah ayuu heli karaa qof kasta, ayna ku jiraan dadka haysta Individual Taxpayer Identification Number (Lambarka Aqoonsiga Gaarka ah ee Canshuur Bixiyaha, ITIN).

Si aan kaaga caawino sida ugu haboon canshuurahaaga, halkaan ayaad ka helaysaa dhawr waxyaabood ood u baahan doonta iyo sidoo kale dukumiintiyo dheeraad ah oo ikhtiyaari ah, laakiin muhiim ah, si aad u aruursato una diyaarsato:

Waxa aad U baahan Doonto

  • Kaarka aqoonsiga sawirka leh
  • Sawirkaaga adoo haya kaarkaaga aqoonsiga sawirka leh ood ku ag hayso wajigaaga.
  • Kaarka Social Security ama dukumiintiga ITIN
  • Nooc kasta oo dukumiintiyada dakhliga ah (W-2, 1099-R, iwm.)

Dukumiintiyada Kale ee Ikhtiyaariga ah inaad Diyaarsato

  • Canshuur celinta sanadkii lasoo dhaafay
  • Bayaanka Baaqiga Suuqa Caymiska Caafimaadka (1095-A)
  • Baaqiga Daryeelka Carruurta
  • Baaqiga Lacagta aad Ku heshay Khamaarka
  • Baaqiga Lacagta Dugsiga

Qaababka Fudud ee Aad Canshuurta Ku gudbin Karto si bilaash ah


U sheeg qof inuu ku caawiyo

GetYourRefund.org

Ku hel adeeggyada diyaar garoowga canshuurta oo bilaash ah qaab oonleen ah. Khubarada canshuurta oo shahaado ka haysta IRS ayaa kula shaqayn doona ayagoon kula joogina diyaarinaaya canshuur celintaada kadibna oonleen ahaan ku diraaya ayagoo wakiil kaa ah. Barta amaanka ah, oo badbaado leh ayaa fududaynaysa inaad soo geliso dukumiintiyadaada muhiimka ah.

U gudbi si iskaa ah

MyFreeTaxes.com

Markaad gasho barta MyFreeTaxes.com, waxaad ku gudbin kartaa canshuurahaaga si iskaa ah qaab bilaash ah. Adeeggaan ayaa u baahan inaad furato ciwaan, aad buuxiso gudbisana canshuurahaaga si iskaa ah.

Raadso caawimaad

2-1-1

Waxaad wici kartaa 2-1-1 si aad u hesho xog iyo caawimaad lagu bixinaayo tiro luuqado ah, ayna ku jirto caawimaad ku aadan sida aad u gudbinayso canshuurahaaga qaab bilaash ah.


Su’aalaha Inta badan la iswaydiiyo ee MyFreeTaxes.com


Waa maxay Canshuurta celinta Fudud?

Canshuurta celinta fudud ee lagu daboolay MyFreeTaxes waxaa kamid ah: Dakhliga W-2, Dulsaarka Dakhliga ee xadidan, Dakhliga saamiga, Kharashaadka waxbarashada ardayga, dakhliga shaqo la’aanta, canshuur celinta waxbarashada ilmaha, dulsaarka amaahda ardayga, sheegashooyinka la jaro ee caadiga ah, canshuur celinta Dakhliga la shaqeysto, Canshuur celinta Ilmaha, iyo kharashaadka daryeelka ilmaha. Foomamka ay kujiraan liiska buuxa waxaa laga helayaa: MyFreeTaxes.com/Support

Waa maxay caqabadaha adeegyada?

Canshuur celin badan oo caadi ahaan baaxad leh oo bilaash ah goobaha canshuurta shaqsiyadeed, dhamman kuma jiraan barnaamijka bilaashka ah, tusaale ahaan, Dakhliga ka shaqeynta shaqadaada (1099-MISC), Dulsaarka Deynta, Canshuuraha Guryaha, Waxyaabaha kale ee kharashaadka laga jaro, Lacag-bixinnada Saddexaad (1099-K), HSA, iyo kuwa kale oo badan.  Haddii aad haysato foomamkaas canshuuraha, waa inaad gadataa sistemka si aad sistemka wax ugu buuxiso. Hase yeeshee, waxaad heli doontaa lacag dhimis haddii aad isticmaalayso MyFreeTaxes.com. Liis buuxa oo ah waxa kujira softiweerka waxaa laga heli karaa MyFreeTaxes.com/Support

Waa maxay adeegyada kale ee aan heli karo?

Waxaad fiirin kartaa dhowr dookh oo kala duduwan:

  • Diyaarinta Canshuurta ee Oonleenka Bilaashka ah oo ay qabanayaan Khabiiradeena Canshuurta: Canshuurtaada si oonleen ah ha u diyaariyeen kooxdeena khabiirada ah ee qaabilsan Diyaarinta Canshuurta Bilaashka ah. Hoos bogga ugu deg si aad u aragto macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dookhyada org .
  • Buuxinta oonleenka: waxaad heli kartaa qalab buuxin oo bilaash ah adoo adeegsanaaya barnaamijyada Faylka Bilaashka ah ee IRS. Booqo gov/FreeFile si aad u hesho macluumaad dheeraad ah iyo xog.

Maxay tahay inaan ku buuxiyo MyFreeTaxes.com?

Waxaad u baahan doontaa:

  • Ciwaan iimeel si aad u sameyso akoon
  • AGI kaaga kujira laynka 7 aad ee foomka 1040 ee canshuur celintaadii 2019 (si aad u xaqiijiso aqoonso)
  • SSN ka qof kasta ee canshuur celinta sameynaaya
  • Dhammaan dukumiintiyada canshuurta
  • Akoonka baanka iyo lambarka lagu garto (waad iska dhaafi kartaa, oo si toos lacag loogu shubi karo/loogala bixi karo)

Ma aqaan 2019 AGI kayga. Maxaan sameeyaa?

Waxaad ka heli kartaa laynka 7 aad ee canshuur celintaada 2019 haddii aad wali haysto koobiga canshuurt celintaadii. Haddii canshuurtaada aad ka buuxisay goobta Diyaarinta Canshuurta Bilaashka ah ee United Way of King County sanadkii lasoo dhaafay, iimeel udir freetax@uwkc.org raacina taleefoon lambarkaaga si aan kuu siino koobiga canshuur celintadii sanadkii lasoo dhaafay. Haddii aadan anaga naga buuxin IRS.gov/get-transcript waxay kaa caawin kartaa inaad hesho koobiga canshuur celintaadii sanadkii lasoo dhaafay.

Qof tallaabo-talaabo ma iiga caawin karaa taleefoonka inta aan buuxinaayo canshuur celintayda,

Haddii aad u baahan tahay caawimaad ama taageero, waxaad canshuur celintaada si oonleen ah kuugu buuxin kara kooxdeena khabiirada ah ee qaabilsan Diyaarinta Canshuurta Bilaashka ah adoo balan ka qabsanaaya sistemka balamaha, hoos u sii daadeg boggaan si aad u aragto macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dookha GetYourRefund.org.

Qof katirsan United Way of King County ma gelin karaa macluumaadkayga MyFreeTaxes.com asagoo aniga i matalaaya?

Nasiib daro, United Way of King County ma awoodi doonto inay macluumaadkaaga iyo dukumiintiyada canshuurta geliso MyFreeTaxes.com ayadoo adiga ku matalaysa. Haddii aad xiiseenayso in canshuuradaaga si oonleen ah u sameeyaan kooxdeena khabiirada ah ee qaabilsan Diyaarinta Canshuurta Bilaashka ah adoo adeegsanaaya sustemkeena balamaha, hoos ugu sii daadeg boggaan si aad u aragto macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dookha GetYourRefund.org.

Ma uqalmaa IRS.gov/FreeFile?

Qof kasta uu hela dakhli kayar $72,000 waxa uu soo gudbisan karaa canshuur celin bilaash ah asagoo adeegsanaaya barnaamijka Canshuur Celinta Bilaashka ah ee IRS.


Su’aalaha Inta badan la iswaydiiyo ee GetYourRefund.oorg


Sidee GetYourRefund.org u shaqeysaa?

GetYourRefund.org waxay bixisaa qaab aad si fudud oonleen ugu buuxin karto canshuurtaada adoo adeegsanaaya tallaabooyin dhowr ah oo fudfudud:

  1. Haddii aad rabto Diyaarinta Canshuurta ee oonleenka bilaashka ah, ku dhufo “Faylka leh GetYourRefund”.
  2. Abuur boggaaga GetYourRefund, kana jawaab su’aalaha soo baxaaya kadibna geli sawir dukumiintiyadaada canshuurta.
  3. Balan qabso.
  4. Inta lagu jiro balantaada:
  • Waxaa kusoo wici doonaa qof katirsan khabiiradeena canshuurta.
  • Qof katirsan khabiiradeena canshuurta ayaa buuxin doona canshuur celintaada.
  • Waxaad wicitaan labaad kaheli doonaa qof katirsan khabiiradeena canshuurta si uu udulmaro uuna u buuxiyo canshuur celintaada.
  1. Saxiix canshuur celintaada buuxda adoo adeegsanaaya iimeel.

Waa maxay caqabadaha adeegyada?

United Way waxay bixisaa fursado loo siman yahay qof kasta oo joogana Gobalka Washington waxa uu heli karaa adeegyada Diyaarinta Canshuurta Bilaashka ah ee United Way. Hase yeeshee, Qaar kamid ah canshuur celinta ayaa aad ugu adag tabarucaadlayaasheena. Tusaale, ma diyaarin karto canshuurta dakhliga laga helay gobolo kale.

 

Waxaan iskaashi la sameynay Express Credit Union si aan u sameyno canshuur celinta leh ITIN’s waxaana bixin doonaa aana cusbooneysiin doonaa codsiyada ITIN anagoo u mareyna Express Credit Union.

 

Halkaan waxaad ka helaysaa adeegyada AANAN bixin:

  • Canshuur celinta gobalka (gobalka Washington malahan canshuur celinta dakhliga gobalka, sidaas oowgeed canshuur celintu muhiim ma ahan. Haddii aad kasoo shaqeysay gobal la iska rabo canshuur celinta gobalka, waxaad isticmaali kartaa com si aad qaab bilaash ah ugu soo gudbisid).
  • Haddii aad haysato 1099-B (oo uu sameeyay dallaal, haddii aad gadatay/iibisay shay).
  • Haddii aad iibisay gurigaaga ama aad guriga iska wareejisay.
  • Haddii aad heshay dakhliga kirada.
  • Haddii aad shaqo aad leedahay ka shaqeyso aadna isticmaashay kharashaad ka badan $25,000, aad dhumisay lacag saaid ah, ama aad dooneyso inaad kharashka ganacsiga aad ka jarto gurigaaga.
  • Haddii aad tahay shaqaale ka diiwaanshahan iskaashi deegaan

Maxaad dooneysaa inaad kusoo gudbiso GetYourRefund.org?

GetYourRefund.org waxaa laga heli karaa taleefoonada, taableetka iyo desktop-ka. Waxaan oggaanay in inta badan dadku buuxin karaan su’aalaha ayna si fudud u sameyn karaan. Waxaad u baahan doontaa:

  • Ciwaan iimeel si aad u sameyso akoon
  • Kaarka aqoonsiga (iyo kuwa qof kasta oo kale oo kujira canshuur celinta)
  • Sawirkaaga adigoo sita kaarkaaga aqoonsiga
  • Social security ama kaarka ITIN (iyo kuwa qof kasta oo kale oo kujira canshuur celinta)
  • Dhammaan dukumiintiyada canshuurta
  • Akoonka baanka iyo lambarka lagu garto (waad iska dhaafi kartaa, oo si toos lacag loogu shubi karo/loogala bixi karo)

 

Fadlan ogsoonoow: IRS, GetYourRefund.org, United Way of King County iyo national partners way wada shaqeeyeen si ay wax badan oga badelaan habka ammaanka iyo suruudaha diyaarinta canshuurta Oonleenka ah.

Haddii aan caawimaad ka rabo GetYourRefund.org, sidee oga helaa caawimaad?

Boggaan waxa uu leeyahay meel wada sheekeysi oo aad ka helayso shaqaalaha United Way of King County si ay oga jawaabahaan su’aalahaaga.

 

Ku dhufo astaanta wada sheekeysiga ee kutaala bogga webkaan, qof ayaa ku caawin doona.

 

Waxaa intaad dheer, waxaa jira shaqaale diyaar u ah inay caawiyaan macaamiisha oo laga heli webseetka GetYourRefund.org. Sidoo kale waxaad iimeel udir kartaa Hello@GetYourRefund.org si aad caawimaad dheeraad ah u hesho.

Kawaran Saameynta Lacag bixinta Dhaqaalaha?

Sida ku xusan Xeerka Coronavirus Aid, Relief, and Economic Security (CARES), dadka canshuurta bixiya ee u qalma canshuur celinta soona gudbiyay midkood 2019 ama 2018 waxay si ootamaatig ah u heli doonaan Kharashaadka Saameynta Dhaqaalaha oo gaareysa $1,200 oo loogu talagalay shaqsiyaadka ama $2,400 oo loogu talagalay laamanayaasha iyo $500 oo loogu talagalay cunug kasta oo u qalma. Qaar kamid ah dadka bixiya canshuurta oo aan caadiyan soo gudbin canshuur celinta waa inay soo gudbiyaan canshuur celinta fudud si ay u helaan Kharashaadka Saameynta Dhaqaalaha.

 

Waxaa intaas dheer Kharashaadka Saameynta Dhaqaalaha waxaa la bixiyay billoowgii 2021 waxaana shaqsiyaadka la siiyay $600 ama $1,200 dadka lamaanaha ah iyo illaa $600 cunug kasta oo u qalma. Qoysaska xubnaha qoysku isku jiraan ayaa hadda u qalma labadaba Kharashaadka Saameynta Dhaqaalaha.

 

Booqo IRS.gov/EIP si aad u hesho macluumaadkii ugu danbeeyay.

 

Ma u baahan tahay inaad cusbooneysiiso macluumaadka baanka ama inaad fiiriso xaaladaada Kharashaadka Saameynta Dhaqaalaha. Booqo IRS.gov/coronavirus/get-my-payment


Waxaa mahadsan maalgeliyaasheena: