United Way of King County (Degmada King) waxay bixinaysaa raashin bilaash ah, oo ay asbuuc kasta guriga keento ayadoo la kaashanaysa King County food banks, Safeway iyo DoorDash.

Kadib marka aad is qorto, waxaad heli doontaa iimayl kuu xaqiijinaaya inaan helnay muddo labo maalmood gudahooda oo ah maalmaha shaqada. Wixii su’aalo ah oo ku saabsan adeegaan, fadlan nagala soo xariir 253.237.2019 ama fooddelivery@uwkc.org.


Sida ay U Shaqeyso


storage room with a conveyor belt containing several boxes with groceries

1. Bokis raashin ah oo cuntooyinka daruuriga ah ama bac ay kujiraan cunto dhaqameed ah waxaa diyaariya melaha cuntada bilaashka ah lagu bixiyo ama dukaan raashin oo kuu dhaw.

person wearing a Live United shirt loads a container of groceries into the trunk of a doordash car

2. Darawalka DoorDash (Dasher) ayaa cuntada qaada.

close up of a person organizing a box of canned foods

3. Darawalka DoorDash (Dasher) ayaa cuntada keenaya gurigaaga asbuuc kasta asagoo cuntada dhigaaya meel ammaan ah ee afka hore ee guriga.

Adeegaan bilaashka ah waxaa heli kara qof kasta oo kunool King County (Degmada King) oo aan awoodin inuu iibsado raashin iyo qof kasta oo aan heli karin cuntooyinka bilaashka meela maxaliga ah looga bixiyo. 

Waad ka qaybqaadan kartaa barnaamijkaan lamana eegaayo muwaadinimadaada ama xaalada soogalootiga. Inta isdiiwaangelintu socoto majiri doonaan wax macluumaad muwaadinimo ah oo la aruurin doono. 

Fadlan ogsoonoow: qaybo kamid ah King County (Degmada King), barnaamijkaan hadda waa uu buuxaa waxa uuna qaadan karaa inta u dhaxeysa labo illaa afar asbuuc inaad ku hesho raashin. 

Haddii aad u baahan tahay caawimaad degdeg ah oo la xariirta helida cunto, fadlan wac 2-1-1. 

Kadib marka aad is qorto, labadii asbuuc oo kastaba waxaad heli doontaa macluumaadkii ugu danbeeyay ee la xariira xaalada liiskaaga sugitaanka. Waxaad sidoo kale soo wici kartaa kooxdeena waqti kasta haddii aad qabto su’aalo ama haddii aad dooneyso inaad oggaato xaalada liiskaaga sugitaanka adoo soo wacaaya 253.237.2019 ama iimeyl usoo diraaya fooddelivery@uwkc.org.


FAQs (Jawaabaha iyo Su’aalaha Badanaa la Iswaydiiyo)


Yaa u qalma inuu ka qaybqaato barnaamijkaan?

Si aad oga qaybqaadato barnaamijkaan, waa:

  • Inaad ku nooshahay King County (Degmada King), ee Washington
  • Inaadan awood u lahayn inaad hesho cuntooyinka bilaashka ah shaqsi ahaan
  • Inaadan iibsan karin raashin

Qof kasta ama qoyska kasta oo loo arko inuu kasoo baxay sharuudahaas ayaa u qalma inuu helo adeegaan, ayadoon loo eegeyn xaalada muwaadinimo ama mida soogalootinimo. Inta isdiiwaangelintu socoto majiri doonaan wax macluumaad muwaadinimo ah oo la aruurin doono.

Sidee barnaamijku u shaqeeyaa? Ma heli doonaa macluumaad ku saabsan cunto keenistayda?

Kahor inta aan laguu keenin raashinkaaga koowaad, qof ka socda kooxdeena ayaa kusoo wacaaya waxa uuna ku waydiin doonaa macluumaad la xariira qaabka cuntada laguugu keenaayo iyo macluumaadka xariirka. Waxaan sidoo kale xaqiijin doonaa maalinta iyo waqtiga ugu habboon ee aad asbuuc kasta jeceshahay in laguu keeno raashinka.

Asbuuc kasta, dawaralka raashin keena (cunto geeyaha) ayaa raashinkaaga kasoo qaadaya meelaha raashinka lagu bixiyo ama laamaha cuntada ee kuu dhaw waxa uuna raashinka dhigayaa banaanka albaabka gurigaaga asagoo isticmaalaya habka taabasho la’aanta ah. Haddii aad bixiso lambar taleefoon, waxaad heli doontaa fariin qoraal ah marka qofka raashinka kuusoo qaadaya uu hawshaada bilaabo, marka raashinkaaga lasoo qaado iyo marka raashinkaaga la keeno gurigaaga. 

Waa maxay noocyada raashinka ee aan heli doono?

Waxaan awoodnaa inaan bixino aana soo bandhigno bokisyo cunto ah oo kala duduwan oo laga helo meelaha cuntada bilaashka lagu bixiyo iyo dukaamada raashinka. Kuwaan waxaa kujira cuntooyin qasacadaysan, miro iyo khudaar qasacadaysan, baasto iyo waxyaabo kale oo kala duduwan. Cuntooyin badan oo kamid ah cuntooyinka la keeno waxaa kamid ah waxyaabaha aan waqtiga sii joogi karin sida rootiga, caanaha ama khudaarta iyo miraha. 

Maxaa dhacaaya haddii aanan iska ilaaliyo cuntooyinka qaar?

Haddii aad iska ilaaliso cuntooyinka qaar ama aad qabto xasaasiyad, fadlan arrintaan ku qor foomka la isku diiwaangeliyo. Qof ka socda kooxdeena ayaa kula soo xariiri doona si uu kaaga helo macluumaad badan. In kastoo aanan hadda damaanad qaadi karin in barnaamijkeenu uu kasoo bixi karo cunto xadidid kasta, hadana waxaan ku dadaalaynaa sidii aan u dabooli lahayn baahiyahaaga. 

Maxay tahay inaan sameeyo haddii aanan helin raashinkayga?

Waxaan ku dadaalnaa in raashin kasta oo laguu keenaayo aad ku hesho si ammaan iyo badbaado leh, iyo in raashin keenahaaguna sidaas oo kale sameeyo! Hase yeeshee, mararka qaar, waxaa dhaca qaladaad. Haddii aadan helin raashinkaaga aad caadiyan heli jirtay, marka koowad ka fiiri in la dhigay meelaha kuu dhawdhaw. Haddii aad ku nooshahay dhisme xiran, fiiri ardaagaaga, fadhiga, albaabka laga soo galo ama meel kasta oo kale oo guriga ka mid ah, haddii aad ku nooshahay guri fadlan fiiri in looga tagay albaabkaaga, wadada guriga ama bokiska boostada.

Haddii aadan wali helin cuntaada kadib marka aad sameyso tallaabooyin kaas oo dhan, fadlan isla markaba noosoo sheeg. Wac 253.237.2019 ama kooxdeena iimayl u soodir fooddelivery@uwkc.orgsida ugu dhaqsiyaha badan oo macquulka ah, si aad noosiiso fursada ugu habboon ee aan ku xalin karno ciladaada.

Maxaan sameeyaa haddii aan cabasho ka qabo cunto Keenahayga?

Fadlan la xariir kooxdeena adoo wacaaya 253.237.2019 ama iimayl usoo diraya fooddelivery@uwkc.org sida ugu dhaqsiyaha badan oo macquulka ah si aan kuu caawino una xalino cabashadaada.

Waxaan doonayaa inaan joojiyo cuntooyinka aan helaayo. Sidee ayaan ku joojiyaa?

Ka wac kooxdeena 253.237.2019 ama iimayl ugu soo dir fooddelivery@uwkc.org.

Kuma nooli King County (Degmada King). Majiraan barnaamijyo kan lamid ah oo laga helaayo xaafadayda?

Inkastoo barnaamijkaan ay heli karaan dadka degan King County (Degmada King) oo kaliya, hadana barnaamijyada cuntooyinka bilaashka ah iyo meelaha laga bixiyo cuntada waxay kasii shaqeeyaan guud ahaan Gobalka Washington. Haddii aad rabto macluumaad ku saabsan ilaha cuntada xaafadaada, wac 2-1-1.


Waxaa maalgeliyay:

sponsor logo block for Door Dash program