Hel Lacag dheeraad ah oo aad ku Gadato Cunto

English, Español, እንግሊዘኛ, 中文, 영어, ວັນນະໂຣກ, Русский, Somali, Tiếng Việt

Helitaanka Cuntada Aasaasiga ah (Supplemental Nutrition Assistance Program,SNAP) looma arko qayb kamid ah xeerka dadka dawladu biisho mana saamaynaayo aqoonsigaaga soo galootinimada. Xubnaha qoyska ee leh xaaladaha kaladuwan ayaa MARKASTA ayaa codsiga diri kara ayagoo wakiil ka ah carruurta u qalanta. Wac 1-888-4FoodWA si aad u codsato.


Cunto dheeraad ah. Walal yar. Basic Food (Cuntada Aasaasiga ah) waa lacag dheeraad ah oo aad ku gadan karto raashinka si cunto caafimaad leh miiska loo saaro.

Haddii adiga ama qoyskaaga aad u baahan tihiin in la idinka caawiyo iibsashada raashin, Basic Food ayaad u baahan tahay. Waa maxay Basic Food? Sidoo kale loo yaqaan SNAP (Barnaamijka Caawimaada Nafaqada Dheeraadka ah), Basic Food waxa uu reer Washington ka caawiyaa inay billooyin helaan gunnooyin ay cunto ku gadan karaan. Qoysaska ka kooban afar qof ayaa heli kara wax ka badan $600/bishii.

Halkaan waxaad ka helaysaa sida uu u shaqeeyo Basic Food:

  • Bil kasta, doolarka Basic Food waxaa laga shubaa kaarka EBT. 
  • Kaarkaaga Basic Food waxaa laga oggol yahay bakaarka raashinka, oonleenka iyo suuqyo badan oo beeraleey.
  • Basic Food waxa uu sidoo kale ku siinayaa gunnooyin dheeraad ah:
    • Carruurta qoysaska hela Basic Food waxay si ootamaatig ah looga qoraa cuntooyinka iskuulka ee bilaashka ah, lagama rabo codsi!
    • Ilmaha yaryar iyo socod baradka qoysaska qaata Basic Food waxay sidoo kale u qalmi karaan Barnaamijka Dumarka hasta Ilmaha Yaryar iyo Socod baradka (WIC).
    • Ardayda Kuleejka Farsamada iyo bulshada ee hela Basic Food waxay sidoo kale u qalmi karaan Basic Food and Employment Training (BFET, barnaamijka Tababarka Shaqada iyo Basic Food), barnaamijka waxbarashada iyo tababarka shaqada waxa uu ka caawin karaa kaalmada daryeelka ilmaha, buugaagta, caawimaada tuushinka iyo waxbarasho bilaash ah oo dheeraad ah. 

Ma xiiseyneysaa inaad ka caawiso dadka kale inay helaan Cuntada Aasaasiga ah? Ma la shaqaysaa shaqsiyaadka u-qalma Cuntada Aasaasiga ah? Soo dejiso xaashiyaha si aad halkan ula wadaagto: Basic Food Flyers.zip.


Yaa u qalma Basic Food?


Qoysaska iyo shaqsiyaadka…

  • ka shaqeeya AMA ah shaqo la’aanta
  • aada iskuulka AMA haysta ilmo gaaray da’da iskuulka
  • muwaadiniinta ah AMA ay la joogaan xubno qoyska katirsan oo xaalad soogalootinimo kujira

…waxay u qalmi karaan gunnooyinka Basic Food

Haddii adiga ama qoyskaaga aad u baahan tihiin in la idinka caawiyo iibsashada raashin, Basic Food ayaad u baahan tahay.

Tirada xubnaha qoyska, dakhliga guud (dakhliga inta aan canshuurta laga jarin), iyo sidoo kale qaar kamid ah kharasaadka sida guriyeynta, adeegyada biilasha, iyo kharashaadka caafimaadka si loo go’aamiyo uqalmitaanka Basic Food. Fiiri tilmaamaha macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dakhliga guud.

Ilaha sida guriyeynta, gaariga ama lacagta baanka LAMA xisaabiyo marka uqalmitaanka la go’aaminaayo.

Inta lagu jiro waqtiga aafada COVID-19, dhammaan dadkan ka qaybqaata Basic Food waxay u qalmaan Gunooyin dheeraad ah. Tani waxay la micno tahay in qof kasta oo u qalma Basic Food uu heli doono ugu yaraan $204 bil kasta. Codso maanta!

Tilmaamaha Dakhliga Guud
(4/1/2021 – 3/31/2022)

Tirada Xubnaha QoyskaDakhliga Guud ee Bilaha
1 Qof$2,147
2$2,903
3$3,660
4$4,417
5$5,173
6$5,930
10+$756 mid kasta

Waxa aad u Baahan tahay Inaad Codsato


Kahor inta aadan Codsan Basic Food, Halkaan waxaad ka helaysaa waxa aad u baahan tahay:

  • Macluumaadka dakhligaaga ee 30 kii maalmood ee lasoo dhaafay.
  • Magacyada, da’da iyo macluumaadka dakhliga qof kasta oo kamid ah qoyskaaga oo aad u gaday, u diyaarisay ama la wadaagtay cunto.
  • Kharashaadka qoyskaaga (kululeynta iyo kharashaadka qaboojinta, taageerada ilmaha, kireynta ama amaahda guriga).

Codso Basic Food


Halkaan waxaad ka helaysaa saddex qaab oo fudud oo aad ku codsan karto Basic Food, ayadoo lagu saleenaayo baahiyahaaga iyo xaaladaada:

Qoysaska leh Carruurta

Khadka Cuntada ee Qoyska

Haddii aad la nooshahay qoyska leh carruur (oo ay kujiraan qoysas ka kooban xubno soogalooti ah) aadna jeceshahay inaad codsato caawimaad, wac khadka Cuntada Qoyska. Waxaa la heli karaa adeegyada luuqada.

Ardayda dhigta Kuleejka Farsamda iyo Bulshada

Gunnooyinka Adeegyada

Haddii aad tahay arday dhigta kuleejka farsamada iyo bulshada ee Degmada King, booqo webseetka Gunooyinka adeegyada si aad u qabsato balan oonleen ah. Sidoo kale waxay kaa caawin karaan inaad codsato Basic Food.

Haddii aad dooneyso in si iskaa ah aad u codsato

WashingtonConnection.org

Haddii aadan u baahneyn caawimaad aadna dooneyso in si iskaa ah aad u codsato Basic Food, waxaad sameyn kartaa sidaas adoo buuxinaaya barta iskuxirka Washington.


Kadib marka aad Codsato


Kadib marka aad codsato Basic Food, waa inaa wacdo waaxda Adeegyada Caafimaadka iyo Bulshada ee Washington (DSHS) si aad u buuxiso wareysiga Basic Food. Waxaad wici kartaa DSHS adoo ka wacaaya 877-501-2233 Isniinta-Jimcaha, 8:00 subaxnimo illaa 3:00 galabnimo, marka laga reebo maalmaha fasaxa ah.

Waa qasab inaad sidaan sameyso 30 maalmood gudahood kadib codsigaaga. DSHS kuma soo wici doonto.

Waxaan kugu dhiirigelinaynaa inaad sameyso wicitaanka subaxda hore.


Su’aalaha Badanaa La Iswaydiiyo


Ma qiyaasi karaa inta gunnooyinkayga Basic Food ay noqon doonaan?

Haa, waad qiyaasi kartaa (malahan cadad) gunnooyinkaaga DSHS adoo adeegsanaaya barta xisaabisa gunooyinka oo aad halkaan ka helayso https://www.dshs.wa.gov/sites/default/files/ESA/csd/documents/bfcalculator/bf_benefit_estimator.htm